28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Puntland iyo Galmudug oo dagaalamay iyo culimo la sheegay in la laayey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Wararka laga helayo Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug uu maanta iska hor imaad ku dhaxmaray Deegaanka Godod oo dhaca Woqooyiga Gobolka Mudug.

Waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Galmudug ay Saaka ku Baxeen Deegaanka Godod oo horey ugu sugnadeen Ciidamada Puntland.
Dadka Deegaanka ayaa ku waramay in iska horimaadka ay ku dhaawacmeen Labo askari oo ka tirsan Galmudug.

Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in Maleeshiyo Kasoo jeeda Maamulka Puntland ay weerar ku soo qaadeen Culumo ka soo Jeeda Galmudug, siyaaro dhiganayey, taasi oo dhalisay iska hor imaadka.

Galmudug ayaa sheegtay in 4 Ruux oo culimo ah ay ku geeriyootay in kabadan intaasna ey dhaawacmeen ka dib markii Culumada Ka soo jeeda Galmudug oo Siyaaro dhiganayey ay Soo weeraren Meleeshiyo Beeleed ku abtirsata Puntland.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Galmudug Axmed Max’ed Cumar ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Maleeshiyo Puntland ah kuwaa oo Dilay Culumo iyo Dad waayeel ah oo dhiganaey Siyaaro.
Wasiirka waxuu intaa ku daray in ay macqul tahay in uu khasaaraha intaa ka badan yahay,maadaama dhulka lagu dagaalamay uu yahay dhul miyi ah.

Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News