Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay magalada Kismaayo qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee gobolka Jubbada Hoose kulanka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada MKG Jubba.
Share
qaar ka mid ah ganacsatada ayaa warbaahitna u sheegay in ay madaxweynaha kala hadleen sidii loo hor marin lahaa ganacsaiga Soomaaliya Xaaji Yasiin Jaamac oo ah gudomiyaha rugta ganacsiga iyo warshada jubbooyinka ayaa sheegay in ay farxad u tahay in la helo iskaashi buuxda ganacsatada Soomaaliyo dhex mara.
Madaxwenaha Soomaaliya ayaa isna ka hadlay madasha asagoo sheegay in loo baahan yahay kobac in lagu sameyo ganacsaiga Somaaliya ayadoo la dardar galinayo iskaashi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay oo khamiis ahayd tagay magalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
- Advertisement -
Read more

