Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa qoraal ka soo saartay iskahor imaad dhex maray ciidamadadeeda iyi kuwa Gal-Mudug, kadib markii Puntland ay weerartay culimo ku siyaareysanayey deegaanka Godad, oo 30 KM ka xiga bariga Gaalkacyo.
Puntland ayaa sheegtay inay dishay lix ruux ayna dhaawacday tiro kale, waxaana ay sheegtay in dadkaasi ay ahaayeen maleeshiyo, halka Galmudug ay sheegtay inay ahaayeen culimo.
Puntland waxay sheegtay in weerarkan ay ku qabatay gaari tikniko ah oo qayb ka ahaa ilaa 20 gaadiidka dagaalka iyo saadka iskugu jiray, inkasta oo aan la xaqiijin karin sheegashadaas.
‘’Weerarkan waxa uu ahaa mid militeri oo qorshaysan kaasi oo ay soo qaaden maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Koonfurta Galkacayo’’ Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Puntland.
Puntland waxay sheegtay in sirdoonkeedu ka war heleen Hub DF ka soo dejisay garoonka Bandiiradlay oo 60 KM u jirta Galkacayo ayna maamulaan Galmudug, uuna soo dhiibay wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariin Guuleed oo ka soo jeeda Koonfurta Galkacayo.
Wasiir Guuleed kamahadal eedeyntaas, waxaase maamulka Galmudug uu sheegay in Puntland ay mar marsiiyo u sameysaneyso shacab ay leysay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online

