29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Axmed Madoobe oo gaaray Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoonka Aadan Cadde, waxaa soo caga dhigatay Diyaarad uu la socdo M/weynaha Maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe, oo hogaaminayo wafdi katirsan maamulkiisa,  ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo la filayo inuu galabta ka furmo magaalada Muqdisho.

Maamulka Axmed Madoobe, ayaa horay u qaadacay ineey ka qeyb galaan shirka Galabta ka furmi doona magaalada Muqdisho, laakiin wadahadalo labadii maalmood uu halkaas kula soo qaatay M/weynaha Soomaaliya, ayaa loo maleeynayaa inuu badalay mowqifkii hore ee Axmed Madoobe.

Waxaa laga dhur sugayaa shirka galabta lagu wado inuu ka bilowdo Muqdisho, iyadoo la filayo inay kasoo qeyb galaan in ka badan 100 ergo oo ka kala socdo maamulka KMG Jubba, ergooyinka gobollada Jubbooyinka ^ Gedo iyo masuuliyiin ka socda dowladda federaalka.

Qaar ka mid ah ergooyinka soo dhisay maamulka KMG jubba ayaa maanta u dhoofay caasimada dalka ee Muqdisho, ayagoo halkaas kaga soo qayb galaya shir dib-uheshiin ah oo loo qabanayo qabaa’ilada daga jubbooyinka oo ay dirir iyo colaad daba dheerato mudo fog kala dhextaalay.

Sadax duyuuradood oo ah nooca dadka qaada ayaa maanta soo caga dhigtay garoonka diyaradaha magalada muqdisho ayado ka soo kicitantay Kismaayo. Diyaarada koobaad ayaa qaaday xubno koban oo uu ka mid yahay hogaamiyaha mamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Labada diyaaray ayaa daabushay qaar ka mid ah ergooyinka maamulka Jubba soo dhisay ee ku sugnaa magalada Kismaayo ergyooyinkan oo kor u dhaafayay 200 ayaa maanta laga qaaday Kismaayo ayagoo la geeynayo Muqdisho si halkiaasi ay kaga qayb galaan shirka dib u heshiisnta ee ay dowalda Federaalka Soomaliya qabanayso.
Ergooyin baaqi ku ah kismaayo ayaa lagu wadaa in ayagana loo qaado Muqdisho si ay qayb iyagana kaga noqdaan wada hadalada lagu wado in ay ka furmaan Muqdisho kwuaas oo lagu soo afjarayo qilaafka dabada dheeraaday ee ka jira Jubbooyinka.
Arrintani ayaa ka dambeeysay kaddib markii madaxweyna Ummada Soomaaliyeed Xasan Sheekh Maxamuud uu  ku tagay magalada Kismaayo asagoo ugu baaqay odayaasha wax garadka iyo dadka ku dhaqan Jubbooyinka uu ugu baaqay in ay miiska wada hadalka iskugu imadan tani ayaa noqoneeyso Hormar cusub oo ay dowalada Soomaaliya ka gaartay arrimaha qalafsanaa ee Jubbooyinka
Caasimada Online
Xafiiska -Kismaayo
- Advertisement -

Read more

Local News