31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

YAAB: Heerka isbaarada oo gaaray in hal gaari laga qaado 810 dollar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Dhibaatada Isticmaalka Wadada ka baxda Muqdisho ee Marta Sh/Hoose  ayaa ah mid Sii kordheysay Wixii ka dambeeyay eedeymo Farmuq ahaa oo ay hawada isku marinayeen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Sh/Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada dowlada Somalia.

Wadayaasha Gaadiidka Isticmaala Inta u dhexeysa Muqdisho iyo Beydhabo ayaa kuu sheegaya inay Quus ka taagan yihiin Isticmaalka wadadaasi , waxaana ay sheegayaan inay doonayaan iminka inay ku dhawaaqaan Shaqo joojin ku saabsan dhibaatooyinka Ibaarooyinkaasi.

Mid ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka Somalidu ay u taqaan Candho Beydlaha (Gawaarida waaweyn ee Xamuulka Qaada) oo Magaciisa Qariyay Ayaa shabakada Caasimada onlione u sheegay in Qarasha ayaan lacagaha looga qaado Muqdisho ilaa Beydhabo ay kor u dhaafayaan 800$ (Sideed Boqol oo Doolar).

” Gaari Candho Beydle ah oo uu wado Nin aynu Saaxiib Nahay ayaa Beydhabo kasoo Shiraacday Iminka Wuxuu ku sugan yahay Mukatga Afgooye, Wuxuu Bixiyay 810$ Waliba Isbaarooyin ayaa u sii harsan Qarashkiina wuu ka go’ay ” Ayuu yiri wadahan .

Qaar ka mid ah Wadayaasha Gawaarida isaga kala Goosha Beydhabo iyo Muqdisho oo ay Xog wareysatay Caasimada Online ayaa sheegay in ay qorsheynayaan inay iska Xareeyaan Gawaaridooda Sabab la xariirta in halkii iyaga ay dhaqaale ka keeni lahaayeen deyn loo sii raacanayo markii ay safar aadaan .

Dhawaan waxaa jiray Dibad bax ay muujiyeen Gaadiid leydaasi oo ku qotontay Dhibaatooyinka ay ku qabaan isbaarooyinka Sh/hoose, inkastoo aaan dhag jalaq loo siin.

Wasiirka Gaashaandhiga Somlia C/xakiin Fiqi, wuxuu sheegay in Dadka Isbaarooyinka dhigta inay yihiin kuwo Dareeska dowlada isaga loo lebista Balse Ciidamada dowlada Somalia aan Matalin.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in Cidii lagu arko iyadoo Isbaaro dhiganeyso Tilaabo cad laga qaadi doono, taas oo keentay in Muqdisho iyo Qeybo ka mid ah gobolada dalka laga Suuliyo Isbaarooyin yaalay , Walow iminka ay soo rogaal celiyeen qaar kood gaar ahaan Sh/Hoose.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News