26.1 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

QM oo aqbashay Codsiga DF Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Qaramada Midoobey, ayaa oglaatay inay dowlada Somalia ka taageerto Tayeenta iyo qalabeynta Ciidamada xooga dalka Somalia kadib wada hadal dheer oo ay arintaas kala sameeyeen Wadamada Africa ee Ciidamadoodu ay Somalia ka joogaan iyo Wasiirka arimaha dibada Somalia.

Ku xigeenka Ra’isul wasaarah Somalia Ahna wasiirka Arimaha Dibada Somalia Fowsiyo Yuusuf  Xaasji Aadan oo maanta dib dalka ugu soo laabatay in QM ay raali ka noqtay raagiirida iyo qalabeynta Ciidamada dowlada Somalia.

Waxay sheegtay inay Golaha Ammaanka ay qeyb ka yihiin waxyaabihii ay isla soo meel dhigeen in Tababaro dheeri ah la siiyo ciidamada dowlada Somalia iyo in laga taageero dhanka qalabka oo muhiim gaar aha u leh Ciidamada.

Wasiirka Arimaha Dibada Somalia waxay ka dhawaajisya inay Newyork  kkulamo iyo Shirar muhiim ahaa inay kula soo qaadatay madax ka tirsan Dowladaha qeybta ka ah Golaha ammaanka ayeey sheegtay in ugu dambeyn la isla gartay taageerada ciidanka dhanka tababarka iyo saadka.

Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegtay inay ku bixiyaan juhdi badan oo ku aadan sidii Golaha ammaanka ay uga dhaadhicin lahaayeen taageerada ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Golaha ammaanka waxa ay la hortagtay qorshe ku aadan in ciidanka Dowladda Soomaaliya loo taageero si lamid ah ciidanka Amisom inkastoo xubnaha QM ay kacaga jiideen qorshahaasi inkastoo markii dambey qeybo ka mid ah Codsiga dowlada Somalia la aqbalay

Dad badan wxay aamin san yihiin in hadii Daryeel wanaagsan ay helaan Ciidamada dowlada Somalia laga maarmi karo Cidamo ajnabi ah oo amniga dalka ilaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Mudisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News