28.2 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Sucuudiga oo raaf bilaabaysa iyo Soomaali badan oo cabsi la soo daristay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) Dowladda Saudi Arabia, ayaa bilaabeysa maanta oo Isniin ah raaf ku saabsan dadka sharci darada ku jooga dalkaas iyo kuwa warqadaha dal ku jooga uu ka dhacayo.

Habeenkii xaley, waxaa magaalooyinka waaweyn ee dalka Saudi Arabia ka billowday diyaar garow ku aadan siddii ciidamada ammaanku ay u soo qabqaban lahaayeen dadka sharci darada ku jooga dalka Saudi Arabia.

Dowladda waxa ay maalmahan dadka sharci darada ku jooga dalka Saudi Arabia u sheegtay in dalka isaga baxaan kuwa heestana warqadaha sharciga ay cusbooneestaan.

Wariye ku sugan Saudi Arabia oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in ciidamada dalkaas ay maanta bilaabayaan howlgal ka dhan ah dadka sharci darada ku jooga dalkaas.

Dadka ayaa guryaha loogu gali doonaa, waxaana laga qabqabanayaa waddooyinka, sida ay lee yihiin hey’addaha ammaanka.

Maxaa arrintan u sabab ah?

Arrintan waxaa sabab u ah, dalka Saudi Arabia waxaa ku batay soo galootiga sharci darada ku jooga dalka, waxaa shaqo la’aan ay ku dhacday muwaadiinta waddankaas, maadama aad looga jecelyahay ajnabiga.

Arrimahaas oo isbiirsaday ayaa keentay in dowladda Saudi Arabia ay ku dhawaaqdo raafkan ballaaran, waxaa kaloo tallaabo sharci ah laga qaadi doonaa dadka ay u shaqeeyaan soo galootiga sharci darada ku jooga dalka.

Waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay la arkayay dad badan oo safaf dhaadheer ugu jira siddii ay u cusbooneensiin lahaayeen sharciga ay ku joogaan dalkaas.

Arrimahan oo kale markii ay ku dhaqaaqdo dowladda waxa ay durba kala kulantaa dhaleeceyn hey’addaha xuduuqda aadaha iyo dowladaha reer galbeedka.

Saudi Arabia waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo badankood ku galay dalkaas qaab sharci daro ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka “Dubai”

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News