25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

GAAS oo jawaab kulul bixiyey kadib arrin uu Faroole ku sameeyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

War-Saxaafadeed

Maalintii shalay ayaa Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada Garoowe, waxay si sharci darro ah, jid gooyo ugu sameeyeen Baabuur loogu talo galay in lagu sugo Amniga Murashax Dr. Abdiweli Mohamed Cali.

Ilaalada Madaxtooyada oo fulineysa Amarkan khaldan ee foolxumada ah ayaa weeraray Gaarigii iyo raggii gaariga waday halkaasna ku dhaawacy qaar ka mid ah, Baabuurkii iyo qaar kalena Afduub Garowe ugu kaxaystay kuna xirtay Xabsi ku yaal Madaxtooyada.

Masuuliyadda falkan foosha xun waxaa qaadaya cidii amarkan bixisey oo uu ugu horeeyo Madaxweynahu.

Waxaan ka digeynaa in Doorashadaani aysan noqon Doorashadii Labaad ee Amni Darro Awgeed loo baajiyo. Waxaan ugu baaqayaa Shacabka reer Puntland oo ay ugu horeeyaan Issimada, Siyaasiyiinta, Aqoon yahanada, Culimada, Haweenka, Dhalinyarada iyo Murashaxiinta in ay kala shaqeeyaan Ciidamada Amniga sidii Puntland Amnigeeda loo sugi lahaa Maalin walba iyo wakhtiga doorashada si wadajir ah.

Ciidanka Amniga ee Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan inaan loo isticmaalin siyaasad guracan, balse ay ku dhiiranaadaan ilaalinta iyo dhowrista amniga sidii hore looga bartay.

Hogaanka Wakhtigiisii dhamaaday waxaan ugu baaqayaa in ay dhowraan sharciga, joojiyaan falalka amni darrada ah, kana shaqeeyaan Maslaxadda Guud, Ciidanka Amniga aan loo isticmaalin in lagu caburiyo Murashaxiinta, Saxaafadda, Shirarka wax qeybsiga beelaha, Shirarka Issimada, laguna boobin hantida gaarka loo leeyahay.

 Taageerayaasha, Murashax Dr. Abdiweli Mohamed Ali, waxaan ugu baaqaynaa in Nabadda iyo Xasiloonida la adkeeyo, lagana qaadan wax Ficil ah, Falalka Amni Darada ah ee khaldan si caadifadi ku jirto.

 Tartanka Doorashooyinku colaad ma ahan, waa afkaar, waa is dhexgal Bulsho, waa tartan Siyaasadeed, waa qabyaalad ka guur oo Dimoqraadiyad iyo Cod Xor ah u guur.

Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas

- Advertisement -

Read more

Local News