Luwandha (Caasimada online) Kooxo hubaysan ayaa waxay ganacsade Soomaaliyeed ay ku dileen magaalada Luwandha ee dalka Angola kuwaasi oo la sheegay inay u adeegsadeen aalata toorayda, taasi oo sababtay in ganacsadaha Soomaaliyeed goobta uu ku ruuxbaxo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda soo weerartay ganacsadaha Soomaaliyeed ay ahaayeen tiro dhalinyaro ah kuwaasi oo ganacsadaha ku weeraray goobtiisa ganacsi.
Ganacsadaha Soomaaliyeed ee la dilay oo lagu magacaabo Axmed Cabdi ayaa qolyihii ka danbeeyay dilkiisa mid kamid ah waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka ee magaaladaasi kuwaa oo dhigay xabsi ku yaala magaalada si cadaalada loo hor keeno.
Soomaalida ku ganacsata dalka Angola ayaa waxa ay dalbabeen in gacan ku dhiiglaha cadaalada la hor keeno si looga fogaado dhibaata dheeraad ah oo gacansatada Soomaaliyeed ee dalkaasi la geeyo.
Dilka Axmed ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi lagula dhaqaaqo.
Soomaalida ayaa waxaa aad loogu dhibaa dalka koofurta Afrika halkaasi oo bishiiba siyaaba kala duwan ganacsata Soomaaliyeed loogu dilo looguna boobo
Caasimada online
Xafiiska Luwandha

