32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Deg Deg ah: Ergada 2-da Dhinac ee DF & M/JUBBA oo Goobta Shirka tagay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Xubno ka kala socda Ra’isul wasaaraha Somalia iyo Madaxda Maamulka JUBBA ayaa goor dhaw gaaray Hotel-ka Jazeera ee Magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka furmi doono Shirka Aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo .

Wakiilada ka  kala socda labada dhinac ayaa la xaqiijiyay in labadooduba ay kasoo Ambo bexeen Xarunta madaxtooyada Somalia , iyadoona siyaabooyin kala gedisan loogu soo dhaeeyay hotelka Jazeera ee magaaladsa Muqdisho.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa intooda ugu badan waxay xaadir ku yihiin Xarunta kulanka Waxaana ka mid ah Xubnahaasi dadka ugu Cad Cad Ras’isul wasaare Saacid iyo Hogaamiye Axmed MADOOBE inkasyoo wali Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Somalia uusan goobta gaarin , waxaase lagu wadaa inuu isaga daah furo sida wariyaasha goobta shirka ku sugan ay soo warinayaan .

Waxaa wanaagsan Rajada laga qabo shirka Muqdisho ee aayaha Gobolada Jubbooyinka iyo gedo inkastoo ay jiraan dhaliil ay muujinayeen Ergada Shirka ee Maamulka Jubba Matalaya kuwaas oo sheegay in Dowladu ay u muuqato mid balan ka bax sameysay.

Ujeedka Shirkana ayaa ah Xalinta dhibaatooyinka iyo Khilaafaadka ka dhex aloolsan dadka dega Jubbooyinka iyo Gedo, si loo helo hanaan  nabadeed oo ay shacabka dega Goboladaasi ay ku wada noolaan karaan .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News