28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Axmed Madoobe oo amaanay Ethiopia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe, oo maanta ka hadlaayay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa khudbadiisa ku soo hadal qaaday dowladda Ethiopia iyo doorkii ay ku lahayd shirkii Addis Ababa ku dhexmaray dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulkiisa.

Wuxuu si gaar ah u amaanay dowladda wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia, Dr. Tedros Adamos, wuxuu sheegay in uu ninkaas habeen iyo maalin uu ku dedaalay siddii heshiis iyo is-afgarad uu u dhexmari lahaa ergadii dowadda iyo maamulka Jubba.

“Waxaan rabaa in aan halkan ka sheego shirkii Addis Ababa, dad badan waxa ay u heestaan in uu ahaa mid si fudud ku dhacay,maya sidaas ma ahayn, waxaa doorweyn ku lahaa dowladda Ethiopia, Ethiopia waxa ay rabtaa Soomaaliya oo nabad ah, wasiirka arrimaha dibedda hadal ladii uu sheegay waxaa ka mid ahaa Ethiopia ma ahan tii aad taarikhda ku soo barateen, waa mid dooneysa in ay gogol nabadeed u fidiso Soomaaliya” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, hoggaamiyaha kumeel-gaarka ee Jubba wuxuu amaanay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, wuxuu tilmaamay intii uu socday shirkii Addis Ababa, taleefonka kama bixin oo waxa ay la haayeen waa in aad heshiis gaartaan oo aad tanaasulaad muujisaan.

Ugu dambeen nuxurka khudbadii Axmed Madoobe, waxaa ku jirtay mar uu la hadlaayay ergada joogtay shirka oo uu lahaa haddii dooneysaan in uu hirgalo shirkan waa in la muujiyaa tanaasulaad iyo wax wada qabsi iyadoo loo daneenaayo dadka degga Jubbooyinka.

Shirka arrimaha Jubbooyinka ayaa socon doona muddo seddax cisho ah, waxaana gabagabadiisa lagu wadaa in uu ka hadlo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News