Muqdisho (Caasimada Online) Isagoo la hadlaayay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho, aqoonyahan Maxamed Amiin, wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in uu la wareegay howshii uu lahaa raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.
Wuxuu aqoonyahankan sheegay in shaqadii madaxweynaha uu la wareegay wasiirka madaxtooyada Faraax Cabduqaadir sida uu hadalka u dhigay.
“Anniga haddii aan qiimeen ku sameeyo sida ay hadda wax ku socdaan, madaxweynuhu wuxuu la wareegay shaqadii raysal wasaaraha isaga ayaa aada safarada dibedda iyo kuwa gobalada, shaqadii madaxweynaha waxaa iska heesta Faraax Cabduqaadir oo ah wasiiru dowlaha madaxtooyada” ayuu yiri aqoonyahan Maxamed Amiin.
Wuxuu kaloo sheegay in raysal wasaaraha uu u jiro magac ahaan balse shaqadiisa oo dhan uu ku fadhiyo madaxweynaha, taasna dowladnimo ma ahan ayuu yiri markale.
Si kastaba markii ugu horeysay oo hadalkan oo kale la sheego, waxaa horey u jiray khalfoof iyo siwir gacmeed muujiya sida uu ra’iisal wasaaruhu habsaam uga yahay shaqadiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

