Nairobi (Caasimada Online) Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Nairobi ayaa soo sheegaya in booliska Kenya ay billaabeen qabqabashada Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.
Wuxuu sheegay wariyahu in dhowr qof laga qabqabtay magaalada Nairobi tan iyo weerarrkii Westgate Mall bishii September, kuwaasoo qaar kood xittaa leh sharciyo.
Booliska ayaa sheegay in howgallo ay ka billaabeen xaafadda Islii, waxaana ay shaaciyeen in howlgaladan ay yihiin kuwa caadi ah.
Dhallinyarrada Soomaalida ee ku nool xaafadda Islii ayaa cabsi ay la soo daristay, waxaana
Xaafadda Islii waxaa ku nool Soomaali badan, kuwaasoo halkaas ku heesta ganacsiyo qaarna deegan ayey ku yihiin markii ay ka soo carareen dagaaladii ka socday waddankooda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

