29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Shir Xasaasi ah oo caawa ka soconaya Villa Somalia {Maxaa looga hadlayaa?}

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)War hadda na soo gaaray wuxuu sheegayaa in caawa kulan xaasi ah uu ka socdo xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Kulanka waxaa uu u dhexeeya madaxweynaha, wasiiru dowlaha madaxtooyada XKS,hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba iyo wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia.

Ilo diplomaasiyiin oo ku sugan xarunta Villa Somalia, ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in kulanka looga hadlaayo shirka arrimaha Jubbooyinka ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho iyo sida loo xiri doono.

Kulankan, waxaa kaloo looga hadlayaa khilaafyo cusub oo soo wajahay gabagabada shirka, taasoo sababtay in maanta uu dib u dhaco in la soo xirro shirka oo seddax cisho ka socday caasimada Muqdisho.

Si dhab ah looma ogga wax yaabaha keenay in shirkan uu caawa dhaco, laakin waxaa jirra culeyso badann oo dowladda ka soo wajahay shirka ay ku qabtay Muqdisho.

Magaalada waxaa tan iyo shaley ka socday kulamo gaar gaar ah, kuwaasoo lagu diiddan yahay shirkan, waxaana kulamadaas ka qaybgalay siyaasiyiin caan ah, xildhibaanno iyo xubno kale.

WARAR DHEERAAD AH: Maxaa dib u dhigay shirka maanta in la soo xiro?

Waxaa sabab u ah waxaa la isku khilaafay cidda lagu saxiixayo shirka gabagabadiisa, waayo waxaa la rabay in la dhaho Axmed Madoobe iyo dowladda ayaa lagu kala saxiixayaa.

Waxaa jirta warar sheegaya in shirka uu dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News