Hobyo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya, in halkaas caawa lagu arkay ciidamo ajnabi ah, kuwaasoo la socday diyaaradaha qumaatiga u kaca.
Dad ku sugan HOBYO ayaa warbaahinta maxaliga u sheegay in ay arkeen dhowr ajaaniib ah, kuwaasoo la socday diyaaradaha Helekobtariska, waxaana ay sheegeen in markii ay soo gaareen degmada laga dareemay cabsi ballaaran.
Ilaa hadda ma cadda ciidamada caddaanka ah ee caawa lagu arkay Hobyo, balse waxaa sheegis mudan in halkaas dhowr jeer lagu arkay ciidamo shisheeye, maadama ay hooy u tahay kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Dhawaan waxaa Hobyo tegey Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdi Cawaale Qeybdiid iyo saraakiil Maraykan ah, waxaana uu Sheegay Cabdi Qaybdiid in la dhisi doono dekedda Hobyo.
Hobyo waa deegan muhiim ah, in kastoo ay ku taallo goob ay sheegtaan maamulada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb.
Ilaa hadda lama soo sheegin wax howlgallo ah oo ay sameeyeen ciidamadan caddaanka ah ee caawan tegegay HOBYO.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Gaalkacyo

