DAAWO: Nolosha dadka araga la ee Muqdisho ku nool & Sida ay u nol yihin

Magaalada Muqdisho oo ah caasimada dalka Soomaaliya waxaa ku nool Kumanaan dadka araga la ee aan waxba arki karin, kuwaasi noloshooda kala gedisan tahay, waxayna isugu jiraan kuwo noloshooda iyaga maareeya, kuwo eheladooda caawiya iyo kuwo aan nolol haysan.

Kaam ku yaal magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin dadka Indhoolayaasha ah, oo isugu jira dad waayeel ah, Caruur iyo haween, waxay intooda badan noloshooda ku maareeyaan siyaabo kala duwan.

Muuqaalkaan oo si gaar ah ugu hadlaya nolosha dadka Indhoolayaasha ayaa waxaa qeyb ka ah Caruur yaryar oo u nool sida ay dadka caadiga ah u nool yihiin, waxayna heleen fursado waxbarasho iyagoo farta Barelka la yiraahdo ay wax ku bartaan maadooyinka kala duwan ee dadka caadiga ah bartaan.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: