Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa habeen hore weydiistay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inuu is-casilo, ilo xog ogaal ah ayaa sidaas u xaqiijiyey Caasimada Online.
Labada dhinac oo markii hore isku khilaafay golaha wasiirada cusub, ayaa la xaliyey, hase yeeshee madaxweynaha ayaa lagu warramay inuu go’aan ku gaaray in Saacid uu shaqada ka tago.
Waxaa sidoo kal arrintan gadaal ka riixaya kooxda madaxweynaha Somalia ku xiran ee Damul-Jadiid, oo ay ka mid yihiin xubno ku jira wasiirada sida Cabdikariin Guuleed iyo Faarax Cabdul Qaadir, halka garab kale oo Damul Jadiid ahna ay ayagana kasoo horjeesteen.
Sida ilo ku dhow xafiiska madaxweynaha ay inoo sheegeen, madaxweynaha ayaa habeenkii sabtida xafiiskiisa kula kulmay Saacid una sheegay inuu doonayo is-beddel inuu ku sameeyeo xukuumadda, isagana uu qeyb ka yahay.
Ra’iisul Wasaare Saacid, ayaa ku gacan seeray dalabka madaxweynaha, waxaana shalay subax uu sii watay howshiisa, isaga oo booqashao ugu tagay dad ku dhaawacmay qaraxii Hotel Makah Al-Mukaramah, oo ku jira Isbitaalada Muqdisho.
Tallaabada madaxweynaha, ayaa waxaa ka hor yimid xubno ganacsato ah oo kasoo jeeda beesha Abgaal ee madaxweynaha, oo uga digay in casilaadda Saacid ay tahay tallaabo uu Xasan Sheekh ka shaleyn doono.
Waxa ay ugu baaqeen inuu ka feejignaado arrintaas, ayaga oo u sheegay in Saacid wax walba uu u horey inuu khilaaf ka ilaaaliyo dowladda, si la mid ah dowladihii KMG ee ka horeeyey.
Waxa ay madaxweynaha ka dalbadeen in haddii uu is-beddel u sameynayo howl gabinimada xukuumadda ay habboon tahay in xilalka laga qaado wasiiro badan oo ay ka mid yihiin kuwa Damul Jadiid, balse Saacid casilaadiisa aysan is-beddel soo kordhin doonin.
Dad si aad ah ula socda siyaasadda Villa Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegay in inkasta oo Saacid ku gacan seeray dalabka madaxweynaha, haddana ay aaminsan yihiin in ugu dambeyn uu isaga tanaasuli doono, xilkana ka tagi doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

