Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas loo diray ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika.
Wariye ku sugan Jowhar ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in ciidamada loo diray deegannada lagu dagaalay ay ka ambabaxeen magaalada Jowhar.
Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in shaley iyo maanta ay deggan yihiin goobaha lagu dagaalamay balse ay is hor fadhiyaan beelaha dagaalamay.
Si kastaba, shaley ayey ahayd markii uu wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed uu Muqdisho kula kulmay xildhibaanno ka soo jeeda Shabeelaha Dhexe iyo Maamulka Gobolkaasi .
Wasiirka ayaa u sheegay xildhibaannada ka soo jeeda gobalka in loo baahan yahay in la dhex galo labada beel isla markaana wixii lakala tabanaayo la isku qanciyo iyadoo loo maraayo qaab sharci ah oo ay dowladda ogtahay.
Wasiir Cabdikariin ayaa sidoo kale ku dhawaaqay shir dib u heshiisiin oo labada beelood loo qaban doono kaasoo wejigiiisa koobaaad lagu qabanaayo Muqdisho halka wejigiisa labaadna uu ku qabsoomi doono Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

