Garoowe (Caasimada online) Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud “Faroole”, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Guddiga Amniga ee Dootashada Madaxtinimada ee Puntland.
Xafiiska Madaxweynaha Puntland, Wareegto ka soo baxday ayaa lagu soo magacaabay Xubnaha Guddiga Amniga Doorashada, oo ka kooban ilaa lix xubnood.
Guddiga Amniga Doorashada Puntland
1.Madaxweynaha/Madaxweyne ku xigeenka.
2.Wasaarada Amniga.
3.Wasaarada Maaliyadda.
4.Taliyayaasha Ciidamada.
5.Taliyaha ciidanka nabad sugida (PSS).
6.Taliyaha ciidanka PIA.
Wareegtada lagu soo magacaabay Guddigaan, ayaa waxa uu tirsigeedu yahay LR148, sida ku cad Wareegtada laga soo saaray Xafiiska Madaxtooyada ee Madaxweynaha Puntland.
Dhanka kale Dr. C/raxmaan Faroole, ayaa wuxuu kaloo uu maanta magacaabay Guddiga Sare ee Ammaanka Puntland, oo uu hogaanka kaga dhigay Taliyaha Ciidanka Puntland General Saciid Maxamed Xersi “Saciid Dheere”.
Madaxweyne Faroole, ayaa horey u sheegay in ay suggi doonaan ammaanka Musharaxiinta u taagan tartanka Madaxtinimada ee Puntland, inkastoo ay taasi ku gacan sayrayn.
Bilowga sanadka cusub ayaa lagu wadaa in deegaanada Maamulka Puntland ay ka dhacaan doorashooyinka xilka madaxtinimada ee Maamulkaas.
Caasimada online
Xafiiska Garoowe

