Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in inkabadn 400 oo qoys ay ku hanti beeleen Roobabkii iyo duufaantii ku dhifatay deegaano ka tirsan Maamulkaas.
Wasiir ku xigeena xanaanada xoolaha Puntland Cabdiwali Xirsi Nuur, oo warbaahintla la hadlay ayaa sheegay in dabeylaha iyo duufaano roobabka watay ee ku dhiftay qeybo ka mid ah Puntland inay saameyn xoogan ku yeelatay.
Khasaaraha ugu badan ayuu sheegay inuu soo gaaray gobolka Nugaal , waxaana uu sheegay in wasaaradiisa iyo hey’adaha kale ee gurmadku ay gaariwaayeen meelo ka mid ah kuwa ay dhibaatadu ka dhacday.
Wuxuu sheegay in qoysas kor u dhaafaya ilaa 400 qoys inay ku hanti beeleen, waxaana uu sheegay in wasaaradiisu ay ku dadaali doonto sidii dib loogu abuuri lahaa xoolo dadaalada nuucaasi ahna ay ku howlan tahay.
Kulamo dadkan gurmad loogu raadinayo ayaa shalay ka kala dhacay, Muqdisho , Gaalkacyo iyo Boosaaso , waxaana dhamaan dhinacyadii kulmay ay shaaca kaqaadeen lagama maarmaannimada in la gar gaaro dadka ay dhibaatada lasoo daristay.
Dowlada Somalia oo iminka madxda ugu sareysa uu khilaaf ka dhex jiro ayaa balan qaaday inay hal million oo doolar ay ku caawin doonto dadkii ay wax yeelada soo gaartay kadib markii maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in arintan wax ka qabashadeeda ay ku adagtahay.
Halkaan hoose ka dhageyso Wasiir ku xigeena xanaanada xoolaha
Wasiir ku xigeena xanaanada xoolaha Cabdiwali Xirsi Nuur
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe

