Muqdisho (Caasimada Online) Deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa maanta gaaray wafdi wasiiro,xildhibaanno iyo xubno kale isugu jira, kuwaasoo halkaas u tagay in ay soo ogaaday wax yaabaha sababay dagaal toddobaadkan deegankaas ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda.
Wafdiga dowladda oo ka ambabaxay Muqdisho, waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga,Cabdikariin Xuseen Xuseen Guuleed waxaa kaloo la socday wasiiradda gaashandhigga, cadaaladda,xildhibaanno iyo Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose.
Wafdiga ayaa markii ay tageen deeganka Lambar 50 waxa ay kulamo la qaateen odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan deeganka, waxaana ay wax ka weydiiyeen sida ay wax uga dhaceen deegaanka iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkii halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda.
Waxaa goobta lagu soo bandhigay khasaaro ka dhashay dagaalkaas iyadoo dadka deeganka ay wafdiga u sheegeen in tacadiyooyin xooggan loo geestay oo ah naf iyo maal.
Kulanka maanta saxaafadda waa loo diidday, waxaana joogay oo kaliya Idaacadda dowladda sida uu noo sheegay xubin ka tirsan dadkii ka qaybgalay kulanka.
Wasiirka arrimaha gudaha amniga ayaa kulanka markii uu soo dhammaaday waxa uu la hadlay Radiyaha dowladda wuxuuna sheegay in booqashadooda ay la xiriirto siddii loo ogaan lahaa wax yaabaha sababay in labo ciidan oo ka tirsan dowladda ay ku dagaalamaan deeganka Lambar 50.
Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan deeganka Lambar 50 ay kala hadleen siddii loo joojin lahaa dagaalada isla markaana markala aysan u soo laaban.
Wasiirka waxaa kaloo dadka deeganka uu u ballan qaaday in wax xad-gudub ah loo geesan doonin dowladdana aysan raali ka ahayn.
Halkaan Hoose ka dhageyso Wasiirka arrimaha gudaha
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho