25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

M/weynaha Sierra Leone oo jeediyey hadal cajiib ah oo ku saabsan Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Xilli Qudbad uu ka jeedinayay Madaxweynaha dalka Siera Leon Dr. Ernest Bai Koroma Shirka arimaha Africa iyo Carabta looga hadlayay ee ka dhacay dalka Kuwaite ayaa wuxuu halkaasi ku soo bandhay hormarka iyo Barwaaqada  dadka Reer Siera Leon ay ku nool yihiin iyo kaalinta Dowladiisa ay ka geystay.

Inkastoo madaxweynaha hadalkiisa u badnaa hormarka ka jira dalkiisa ayaa hadana wuxuu soo hadal qaaday Kaalinta Ciidamada Siera Leon ay ka qaadanayaan Nabad ku soo dabaalida Soomaaliya,wuxuuna Carabka ku adkeeyay inay sii wadi doonaan Caawinta dalalka Africa ee dagaalada ka soo koraya.

” Mudanayaal iyo Marwooyin,kama daaleyno sii caawinta Shacabka Soomaaliya iyo Dowladood, laakin waxaa loo baahan yahay in Midowga Africa iyo dalalka Carabta u istaagaan sidii loo taageeri lahaa Ciidamada Siera Leon ee Soomaaliya,”ayuu yiri Dr. Ernest Bai Koroma.

Wuxuu sheegay Dr. Ernest Bai Koroma inay Dowladiisa ka go’an tahay gacan ka geysashada Nabada ka ifta Soomaaliya,isagoona hoosta ka xariiqay in Nabad Soomaaliya ka xasisha dan ugu jirto.

” Dowlad Wanaag,iyo Nabad Waarta oo Soomaaliya laga hela waa u jeedka Joogitaanka Ciidamadayada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha dalka Siera Leon

Hadalka Madaxweynaha Siera Leon ayaa ku soo aadaya,iyadoo dalka Kuwaite lagu soo gabagabeeyay shir labo maalin soconaya oo looga hadlayay arimaha Africa iyo dalalka Carabta,kaasi oo ay ka qeyb galeen wafuud fara badan,waxaana halkaasi Soomaaliya ku heshay Lacag Malaayiin Dollar ah oo loogu tala galay in wax looga qabto dhibaatooyinka dalka ka jira gaar ahaan deegaanada Duufaanta ku dhufatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News