Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ergadii ka qeyb gali lahayd shirka dib uheshisnta wajigiisa labad oo magaalad kismaayo la qorshenayo inuu ka dhaco ayaa wax ay ku sii qul qulayan kismaayo waxaana halkaasi loogu soo dhaweayay si heer sara ah.
Waxaana la qor shenayaa in maamlmaha soo socdo uu ka furmo shirkaasi magaalada kismaayo, sidoo kale magaalada ayaa waxaa lagu dhex arkay qaar ka mid ah beelihii ka baxay shirka markii uu ka soconayay wajigiisa kowaad muqdisho ayaa hada garay kismaayo..
Nabadoon C/rixmaan Santuur oo kamid ah Odayaasha shirka ka qayb galaya ayaa sheegay dhawaan inuu bilaaban doono shirka isla markaana ay magaalada gaareen inta badan Ergada ka qayb galaysa.
Sidoo kale waxaa lag rabaa kismayo inay garaan wafdi la socdo dowlada faderaalka ah oo laga rabo hogaanka shirkasi inay qabto madaamo ay horey garwadeen oga ahayd shirka wajigiisa kowaad.
Ammaanka Kismaayo ayaa siwayn loo adkeyay labadii maalin ee u danbeeyay waxaana dhinaca kale dhawaan halkaasi lagu dilay Nin Caanka ahaa gudaha magaalada Kismaayo oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Abdiladif Ahmed Nur Hassan Samatar Baadi.
Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Maamulka Barre Hiiraale ayaa walaac ka muujiyay ka qayb galka Shirka Kismaayo inta lagu guda jiro Khilaafka u dhexeeya Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona uu xusay Afhayeenkaasi wali inaysan fulin qodobadii ka horeeyay shirka Kismaayo ee lagu gaaray wajigii koowaad ee shirka Muqdisho.
Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga
Wareysi-Nabadon-Cabdiraxman-Santur-Macalin-Ibrahim-24-11-2013
Isha: K24