Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa rajo weyn ka qaba inuu ka bad baado mooshinka la doonayo in lagu rido ee hor yaalla baarlamanka Somalia, sida ay sheegeen xubno isaga ku dhow.
Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan jirin tirada 168 xildhibaan ah ee la sheegay inay saxiixday mooshinka ka dhanka ah Saacid.
Xafiiska Saacid ayaa sheegay in 168 ay tahay un kaliya tiro, balse aan la hayn illaa iyo hadda 168 magac, oo saxiixday mooshinka, sida shalay ku cadaatay kullankii baarlamanak Somalia.
Xog-hayayaasha Saacid, ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay inay jiraan xildhibaano badan oo horey loo maleeyey inay u taageersanaayeen Xasan Sheekh, balse iminka dhinaca Saacid soo xigsaday.
“Waxaa jiro xildhibaano laga been abuurtay iyo kuwa maskaxdooda beddelay oo iminka diyaar u ah inay taageeraan Saacid” ayuu yiri mid ka mid ah kaaliyayaasha Saacid.
Tagaeerayaasha Saacd, ayaa iminka ku doodaya inay doonayaan inay arkaan magacyada rasmiga ah ee saxiixay mooshinka, oo aanay ku qanceyn oo kaliya tiro.
Dhinaca kale xafiiska madaxweynaha ayaa aaminsan inay xittaa haddii tirada aysan dhameyn 168, loo baahan yahay oo kaliya 139 si mooshinka u hir-galo, taasina ay aad ugu kalsoon yihiin inay heystaan.
Wixii kusoo kordha arrintan haka dheeraan Caasimada Online.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com