28.2 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Mooshinka Saacid oo mugdi galay iyo kooxda Xasan Sheekh oo jawaabtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Somalia  ayaa ka jawaabay eedeyn kaga timid mudanayaasha barlamaanka Somalia ee siyaasad ahaan dhaliilsan keenista Mooshinka ra’isul wasaare Saacid.

Wasiirkii hore ee Dastuurka dalka ee dowladii KMG aheyd C/raxmaan Xoosh Jabriil , oo ka jawaabayay eedeynta uga timid Xildhibaano saluugsan mooshinkan ay ra’isul wasaare Saacid ka keeneen ayaa sheegay in mooshinkan uu yahay mid ansax ah lagana doodi doono maanta.

Wuxuu shaaca ka qaaday in xilligan aysan munaasib aheyn dastuurkana aysan qeyb ka aheyn in magacyada dadka mooshinka wado in lasoo bandhigo balse maalinta Sabtida ah lasoo bandhigi doono.

Inkastoo dhowaan ay beeniyeen Mudanayaasha Baarlamaanku in arintan ay la xiriirto khilaafka madaxda sare ee dalka ayaa hadana Xildhibaan Xoosh  wuxuu cadeeyay inay jiraan galaangal siyaasadeed oo madaxda sare ee dalka ka dhex wadaan Baarlamaanka Somalia .

Isagoo u waramayay laanta Afka Somaliaga ee VOA-da ayuu tilmaamay in xukuumada intii ay jirtay aysan waxba qaban waajibna ay tahay in kalsooi ay weydiisato baarlamaanka Somalia  go’aanka mooshinkooduna uu yahay mid aan ka noqosheo laheyn.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia wuxuu sheegay in qaabka Mooshinka ay u wadaan Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ay tahay mid qalad ah waxaana uu tilmaamay in lasoo bandhigo magacyada iyo saxiixa mudanayaasha baarlamaanka ee wada Mooshinkan

Mooshinka ra’isul wasaare Sacid ayaa dib loo dhigay kadib markii kulankii shalay uu buuq ka dhashay waxaana la wada sugayaan waxa uu kusoo dhamaado mooshinkan xilli  khilaafkii madaxda sarana uu halkiisii taagan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News