Guddoomiyihii hore ee Ahlusunada gobollada dhexe Prof, Laba-Garre ayaa kusoo biiray madaxda ka hadashay khilaafka Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Saacid Farax Garaad kuwaasi oo hadda u ballansan inay baarlamaanka lagu kala baxo.
Prof, Laba-Garre ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisul wasaare Saacid Farax ugu baaqayo inuu xilka isaga dego oo uusan isku dhejin kursiga, waxaana uu taasi sabab uga dhigay in Madaxweynaha uusan la shaqeyn karin.
” Saacid Farax waxaan leeyahay kursiga isaga deg oo waxba ha isku dhejin sababtoo ah maslaxada dalka ayaa ku jirta, maxaa yeelay adiga iyo madaxweynaha ma wada shaqeyn kartaan oo waa isaga kaa dalbaday inaad xilka isaga degto.” ayuu yiri Prof, Laba-Garre oo intaasi ku sii dray :
” Farmaajo sidan oo kale markii iscasilaad laga dalbaday waa uu diidi karay laakiin qaranka iyo ummada ayuu u turay, marka Saacid oo xukuumadiisa aysan wax badan qaban waa ila haboon tahay inuu xilka isaga dego oo uusan baarlamaan waxba aadin” ayuu yiri Prof, Laba-Garre.
Dhinaca kale waxaa wariye Axmednuur weydiiyey bal baaqa uu jeedinayo ee ah inuu iscasilo in dastuurka ku qoran yahay iyo inay tahay mid rabitaanka Madaxweyne Xasan Shiikh un ku saleysan.
” Waa xaqiiqo inaysan dastuurka ku qorneyn in madaxweynaha iscasil ka dalbado Ra’iisul wasaaraha laakiin mid waa inaad la socotaa haddii wada shaqeyn iyo isfaham jirin, waxaan qabaa in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha uu fudud yahay Ra’iisul wasaaraha inuu meesha ka baxo.Marka hadalkeyga waa sidaasi” ayuu yiri mar kale ku celiyey Prof, Laba-Garre.
Waxaana uu sheegay in xukuumada Saacid Farax wax ka qaban ammaanka iyo maamul u sameynta gobollada dalka taasina ay ku riixeyso raga uu ku jiro inay talo kusiiyaan inuu xilka ka dego haddiiba laga dalbaday.
Hadalka Prof, Laba-Garre ayaa imaanaya xilli baarlamaanka Soomaaliya shalay loo qeybiyey mooshin ka dhan ah Saacid Farax Garaad kaasi oo ay soo gudbiyeen 168 xildhibaan oo dalbanaya inay kalsoonida kala noqdaan xukuumadiisa.
Waxaana hadda baarlamaanka la balamiyey inay dib isugu soo noqdaan sabtida soo socota oo laga doodi doono mooshinkaasi islamarkaana cod la gelin doono kalsooni kala noqoshada Xukuumada Saacid Faraax Garaad.
Dhinaca kale Prof, Laba-Garre waxa kale oo uu wareysigisa uga hadlay maamul u sameynta laga wado gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Halkan ka dhageyso wareysiga guddoomiyihii hore ee Ahlusunada gobollada dhexe Prof, Laba-Garre
Xigasho: Kismaayo24.com

