Hargeysa (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya uu sabab u noqday in uu markale dib u dhaco wada-hadalladii u socday dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in mar seddaxaad uu dib u dhacay shirka labada dhinac, wuxuuna sabab uga dhigay khilaafka ragaadiyay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.
Wasiir Biixi wuxuu caddeeyay in labo codsi oo ku saabsan in uu baaqday shirkaas ay kasoo kala gaareen dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga.
Wada-hadallada labada dhinac ayaa lagu waday in uu qabsoomo horaantii bishan November, balse waxaa la sheegay in uu dhacaayo bisha soo socoda ee December, haddana dib ayey u dhaceen.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland wuxuu caddeeyay in ay wada-hadalladaas ay qabsoomi doonaan bisha January ee sannadka dambe 2014-ka.
Si kastaba, waxaa hubaal ah in khilaafka madaxweynaha iyo raysal wasaaraha uu sabab u noqday in ay baaqdaan kulamo badan iyo shaqooyin horyaalay dowladda.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan ka baaqday shirkii hoggaamiyaasha Afrika iyo Carabta ee ka dhacay Kuwait.
Ma cadda halka uu ku biyo shuban doono khilaafka labadan, oo hadda gaaaray meeshii ugu xumaa, iyadoona golaha sharci-dajinta ee Baarlamaanka uu hadda horyaalo mooshin ka dhan ah raysal wasaaraha Soomaaliya.
Turkiga wuxuu shir horre ugu qabqabtay labadan dhinac dalkiisa, wuxuuna hadda hor boodayaasha howlaha nadeenta Soomaaliya.
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, wuxuu toddobaadkan sheegay in dalkiisu uu qunsyliyad ka furaanyo magaalada Hargeysa.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hargeysa

