28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Haweeney MUQDISHO lagu toogtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa maanta barqadii waxa ay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ku toogteen haweeney rayid ah.

Sida ay sheegayaan dadka goobjoogayaasha, haweeneydan ayaa waxaa toogtay labo qof oo ku hubeysnaa bastoolad, markii ay falka geesteena goobta isaga baxsaday.

Waxaa jirra warar sheegaya in markii haweeneydan la tooganayay, uu eryaday wiil ay dhashay, balse markii uu dhowr daqiiqo uu eryanayay, waxay kooxda dableyda u sheegen in ay isna dili doonaan.

Dadka ku dhaqan xaafadda dilkan uu ka hdacay ayaa walwal ay la soo daristay, waxaana ay lee yihiin ma ahan markii ugu horreysay oo dad rayid ah lagu xaafadda Quba.

Haweeneyda la dilaya ayaa la sheegay in ka mid ahayn haweenka howlaha nadaafada u qaabilsan degmada.
Ma jirto koox sheegtay dilka haweeneydan iyo cid ka hadashay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News