26.3 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

Beelaha oo kala qeybsaday wasiirada Jubba iyo rag diiday waxa kusoo aaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) –Waxaa baryahan Kismaayo ka socday wadahadalo kuwii ugu danbeeyey oo looga hadlayo sidii maamulka Juba loogu magacaabi lahaa golihiisa wasiirada taasi oo muran badan ka dhex dhalisay qabiilada dhulkaasi wada dega oo raba inay iska dhex arkaan.

Ahmed Madoobe oo kulamo aan loo kala kicin la yeeshay ragii la soo aasaasay maamulka Juba ee uu madaxweynaha ka yahay iyo rag ka mid ah kuwii kasoo raacay maamulkiisa shirkii Muqdisho oo uu ugu horeeyo Suldaan Abdiqaadir Lugadheere ayaa wada soo gabagabeynta in lagu dhawaaqo wasiirada maamulka Juba.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in beelaha wada Jubooyinka loo qeybiyey sharaxda golaha wasiirada ay ka heli karaan,iyaddoo durba qaar ka mid ah qabiilada ay arrintaasi muran badan ka keenen.

Haddaba sida wax loo qeybiyey oo aan la hubin sax ahaanteeda balse ay warbaahinta  u sheegeen siyaasiyiin ku dhaw goobta wax lagu qeybinayo ayaa sheegay sidan:

1. Mareexaan ayaa la sheegay in la siiyey laba wasiir oo aan la ogeyn waxa ay kala yihiin.

2. Absame ayaa la siiyey hal wasiir iyo wasiir kuxigeen, iyaddoo wasiirka lagu sheegay inuu yahay midka arrimaha bulshada waliba lala rabo inuu xilkaasi qabto Macalin Maxamed oo warar soo baxaya sheegay inuu diiday xilkaasi.

3. Shiikhaal ayaa la siiyey wasiir iyo madaxweyne kuxigeen.

4. Harti ayaa la sheegay inay shaxdan ka heleen wasiir balse ay gaashaanka u daruureen..

5. Gaaljecel waxaa la sheegay inay helayaan wasiir aan la aqoon midka uu yahay.

6. Jareer weyne waxaa la siiyey wasiir iyo wasiir kuigeen.

7. Raxanweyne waxa la siiyey wasiir kuxigeen

8. Ajuuraan Wasiir kuxigeen

9. Leelkase wasiirkuxigeen

10. Awrtable wasiir kuxigeen

11. Biyamaal wasiir kuxigeen .

Shaxdan hordhaca ah ayaa waxaa inoo sheegay siyaasiyiin aad ugu dhawdhaw goobta ay ka socdaan kulamada wadatashiga soo magacaabista golaha wasiirada Jubba waxaana dhici karta inay wax badan iska badelaana ama ay sidan loogu dhawaaqo.

Waxaase warar soo baxaya sheegayaan inay beelaha qaar diideen qeybta kusoo aaday oo ay u arkaan mid aysan fileyn. Waxaase uu Madaxweynaha maamulka Juba Ahmed Madoobe wadaa kulamada uu ku qancinayo dadka diidan waxa ay ka helayaan maamulkiisa.

Dhinaca kale waxaan ilaa hadda kulamada lagu soo magacaabayo wasiirada Juba ka hadlin garabyadii mucaaradka ku ahaa Jubba ee maamulka Ahmed Madoobe kula soo hishiiyey shirkii Muqdisho balse aan wali imaan kismaayo, sababo la xiriira inay ka qeybgalaan shirka labaad oo Kismaayo ka dhici lahaa kaasi oo wax qeybsigu uu qeyb ka noqon lahaa.

Sidoo kale xulista xildhibaanada maamulka Juba ayaa iyadana si xawli ah uga socota Kismaayo waxaana madaxa iskula jira odayaasha dhaqanka oo dhankooda kala jiidanaya sida loo kala qaadanayo xildhibaanada.

Dhameystirka maamulka Jubba ayaa kusoo aadaya xilli dowlada Soomaaliya uu la soo darsay khilaaf hakad geliyey nidaamkii dowladnimo islamarkaana meesha ka saartay xukuumadii awal maamulka Jubba hishiiska la gashay, lama yaqaan waxa ay ka ogtahay waxa kismaayo hadda ka socda.

Isha: Kismaayo24.net

- Advertisement -

Read more

Local News