Johannesburg (Caasimada Online) – Madaxweynihii ugu horeeyey ee madow ah ee dalka Koonfur Africa Nelson Mandela, ayaa caawa geeriyooday, waxaa sidaas ku dhowaaqay madaxweynaha South Africa Jacob Zuma.
Mr. Mandela oo 95 jir ahaa, ayaa hogaamiyey xukun kala wareegii madaowga ee caddaanka laga tirada badan yahay, sanadihii sagaashamaadkii, kadib 27 sano oo uu xabsi ku jiray.
Waxa uu gar gaar caafimaad oo xoog badan uu ku helayey gurigiisa, asaga oo infection uu ka qabay sambabka, kadib saddex bilood oo uu ku jiray isbitaalka.
Hadal uu ka jeediyey TV-ga ayuu Mr. Zuma ku yiri “Mr. Mandela waa naga tagay, si nabad leh”.
“Waddankeenii waxa uu waayey wiilkoodii ugu weynaa” ayuu raaciyey.
Caasimada Online
Xafiiska Johannesburg