30 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Musharixiinta Puntland oo dhinacooda soo magacaabay guddi kale

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya musharixiinta Puntland in ku dhawaaqeen guddiga xallinta Khilaafaadka & Ansixinta doorashadda Puntland.

Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee Puntland, oo labadii maalin ee lasoo dhaafay kulan ku lahaa magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ayaa ku dhawaaqay guddigan siddeed xubnood.

Haddaba markii uu soo dhammaaday kulankooda waxaa saxaafadda u akhriyay xubnaha guddiga ,Prof.Cabaas Axmad Cabaas (Gacma-Gaab) oo kamid ah murashaxiinta xilka Madaxweynaha.

Xubnaha guddiga ay magacaabeen musharixiinta ayaa kala ah:

1-Eng. Cabdirisaaq Xuseen Gacayte Gudoomiye
2-Cabdnuur Maxamed Maxamuud (Ubaalle) – Xubin
3-Cabdirisaaq Maxamed Xaaji Xasan (Burgal) – Xubin
4-Siciid Cismaan Aadan – Xubin
5-Maxamed Yuusuf Cabdi (Qoryooley) – Xubin
6-Cawil Xaaji Maxamed Ducaale – Xubin
7-Siciid Xasan Ibraahim Warmajaale – Xubin
8-Faysal Cabdi Diiriye – Xoghaye

Ugu dambeyn war-qoraal ah oo ay soo saareen musharixiintan ayaa loogu baaqay Madaxweyne Faroole iyo murashaxiinta kale inay taageeraan guddigan isla markaana u fududeeyaan hawsha loo idmay.

Guddigan la magacaabay ayaa wuxuu jawaab u yahay guddi uu horrey u ma gacaabay Madaxweynaha maamulka Puntland Faroole oo kaligiis soo magacaabay.

Faroole guddiga uu magacaabay oo gaarayay ilaa siddeed xubnood waxa ay kala ahaayeen sida tan

1:Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye
2:Cismaan Guureeya Kaarshe Xubin
3:Egn.Maxamuud Axmed Xasan Xubin
4:Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) Xubin.
5:Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin.
6:Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) Xubin.
7:Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) Xubin
8:Maxamed Cabdiqaadir Cismaan Xoghayn.

Ma cadda sida u shaqeyn doonan labadan guddi, iyadoo doorashada madaxtinimada Puntland ay dhaceyso 8-da bisha Janaayo ee sannadka dambe 2014-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News