Hargeysa (Caasimada Onlinme) Sida uu qoray bogga Somalilandsun ee ka soo baxa Hargeysa, waxaa la ogaaday in maamulka Somaliladn ay diiddeen in ka soo dagaan magaalada Hargeysa wafdi dowladda Soomaaliya ka socda oo uu hoggaaminaayay wasiirka warfaafinta iyo boostada iyo isgaarsiinta.
Wafdiga ayaa codsaday in ay ka soo dagaan garoonka diyaaradaha Cigaar ee magaalada Hargeysa, iyagoo ku sii jeeday magaalada Jigjiga balse waxaa diidday maamulka Somaliland, sidaas waxaa sheegay wargeyska.
Wasiirka Cabdulaahi Cilmooge Xirsi oo la socday diyaarad ka soo qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa doonayay in ay ku dagaan garoonka Hargeysa balse waa loo diiday.
Wafdiga wasiirka ayaa ku sii jeeday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya halkaasoo maanta oo Axad uu si rasmi ah uga furmay Xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya.
Wafdiga wasiirka ayaa hadda ku sugan magaalada Jigjiga.
Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa hadda uu ka jiraa khilaaf ku saabsan dhinaca socdaalka, taasoo la xiriirta markii QM ay ku wareejisay dowladda maamulka hawada Soomaaliya, arrintaas Soomaaliland ayaa qaadacday.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

