27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Talooyin loo diray R/Wasaaraha cusub ee imaan doona “Maxay yihiin?”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Iyadoo maalmaha soo socda la sugayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu magacaabo Ra’iisal wasaare cusub oo bedala Cabdi Faarax Shirdoon Saacod oo xilka ka tagay, ayaa waxaa raysal wasaaraha cusyb ee imaan doona loo jeediyay talooyin muhiim.

Yusuf Garaad Cumar Axmed oo horrey madax uga soo noqday laanta Af Soomaaliga ee BBC-da isla markaana sannadkii horre isku taagay xilka madaxweynaha una dhuun duleela arrimaha siyaasadda dalka iyo gaobalka ayaa talooyin sii siiyay raysal wasaaraha imaan doona.

Yuusuf Garaad ayaa war uu soo dhigay caawa bartiisa Facebook wuxuu ku yiri : “Ra’iisal Wasaaraha aan weli loo wanqalinow tala iga hoo. Bal galabta eeg ragga kula tartamaya. Waxaad og tahay mid kasta waxa uu kaaga wanaagsan yahay. In uu kuu tanaasulo wax bay ku tari lahayd. Haddii isaga la magscaabana waxaad ku khasabanaan lahayd in aad aqbasho.

Wuu sii hadlay “Haddaba xusuusnow in dalku idiin wada baahan yahay. Marka lagu magacaabo ha is oran jagada anigaa helay ee iyagu ma helin. Markaa waa in ay Iska tagaan. Ogow in dalku idiin wada baahan yahay.

Ogow in xilka haddii aad qabatay aan macnaheedu ahayn in aad Iyaga ka waddanisan tahay. Ogowna in aanay ahayn in aan Iyaga loo baahnayn. Markaa waxaa ila habboon in kuwooda ku habboon aad Golaha Wasiirrada ka qeyb geliso, qaar aad la taliyayaal ka dhigto, qaar kalena aad u xil saarto hawlo kooban oo ay ku habboon yihiin dalka gudihiisa ama dibaddiisa. Sidaasi dalka hore ayay u marin kartaa.

Ugu dambeyn Yuusuf Garaad ayaa wuxuu yiri “Waxayna dhiirri gelin u noqon kartaa kuwa dalka waxtari kari lahaa, laakiin kalsooni darro ay ku qabaan siyaasadda iyo nidaamka dalka dartiis, iska gaabsaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News