Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed Maxamed “Baardheere” ayaa shalay markii uu xilkaasi ku guuleystay in loo magacaabo waxaa soo baxayey isweydiimo badan oo ku aadan qofka uu yahay.
Waxaana durba bilowday in la raadiyo dadka ugu dhaw ee taariikhdiisa laga soo heli karo. Warbaahinkasta si u gaar ah ayey u raadisay arrintaasi inay soo bandhigo.
Haddaba idaacada BBCSOMALI ayaa barnaamijkeedii saaka waxay kusoo qaadatay xub ay u ga hadleyso taariikhda iyo qofka uu yahay Ra’iisul wasaare Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed. Waxaana wariye Abdirisaq Catoosh uu arrintaasi wax ka weydiiyey siyaasiga caanka ah ee Aadan Ibrahim Aw-Xirsi “Cirro” oo mar soo noqday guddoomiyaha gobolka Gedo.
Siyaasiga Cirro ayaa waxaa uu sheegay inuu Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed uusan lasoo kulmin xilligiisii waxbarashada degmada Baardheere balse uu la soo kulmay iskuulkii uu ka baxay Dr, Abdiweli Shiikh iyo waliba xilli la isku tilmaami jiray inuu qofkasta la mid noqdo Abdiweli Shiikh haddii uu waxbarasho rabo.
” Dr, Abdiweli Shiikh ma aqoon carurnimadiisa oo waa jiilkii iga horeeyey. Waxaana ninkaasi uu kasoo jeedaa qoys caan ku ah diinta iyo xitaa Ugaasnimada. Waxaana soo gaaray iskuulkii uu dhigan jiray, iyaddoo waalidka ay inagu oran jireen haddii iinan noqon karin sida Abdiweli Shiikh maxaad wax ka baraneysaan, taasi oo u ah tusaale aqoontiisa sida ay u wanaagsaneyn” ayuu yiri Cirro oo intaasi ku daray.
” Xilliga aan aniga iskuulka dhiganayey iyo kuwa ila midka ah markii ay xisaabaadka la yiraahdo masuurtowdo ama adeg in laga shaqeeyo la isku oran jiray : Xisaabtan haddii xitaa Abdiweli Shiikh loo geeyo waa ku adgaaneysaa: Taasi oo muujineysa inuu tusaale inoo ahaa”ayuu yiri siyaasiga Aadan Ibrahim Aw-Xirsi “Cirro”.

Dabeecada Ra’iisul wasaare Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed waa ceynkee??
Dhinaca kale mar uu ka hadlayey Cirro dabeecada iyo tarbiyada uu leeyahay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayuu sheegay inay tahay mid aad u wanaagsan oo uu ka dhaxlay aabihiis oo ahaa Shiikh caan ka ahaa degmada Baardheere kasoo ummadkiisa iska dhaafe carurta kale tarbiyo wanaagsan ku waday.
” Abdiweli waxaa dhalay Shiikh Ahmed Maxamed oo qaadi ka ahaa Baardheere waxaana lagu xasuustaa aabihiis inuu tarbiyada ubadkiisa ka sokow kuwa reeraha kale xitaa tarbiyo bari jiray. Isaga shaqsiyan haddii aan usoo noqdo waxaan dhihi karaa Abdiweli waa nin degan, furfuran, dabeecad bisil leh islamarkaana neceb dhibka iyo xasaradaha. Waxaana uu jecel yahay inuu ummada dhageysto oo xitaa haddii aad kala fikir duwan tihiin jecel inuu aqoon iyo wadahadal wax kugu fahamsiiyo.Waana la yaqaa wax badan oo uu sidaasi uga miro keenay” ayuu yiri Cirro oo BBCSOMALI uga waramayey qofka uu yahay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr,Abdiweli Shiikh Ahmed.
Muuqaalka Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed waa ceynkee ??
Cirro oo mar kale Wariye Catoosh uga jawaabaya arrintaasi si dadka aan TV ka arag u gartaan muuqaal ahaan ayaa yiri sidan:
” Abdiweli waa nin gola-joog leh oo waliba cas ama cad oo dheer islamarkaana aan haantan laheyn timo badan oo la tilmaamo. Waa nin aad u furfuran oo farxaad ah marka aad aragtana kusoo jiidanaya.Waxaana uu ummada kusoo jiitaa cilmi uu ku dabaqayo qosol.” ayuu yiri Cirro.
Diinta sidee ku yahay Dr, Abdiweli Shiikh haddiiba aabihiis Shiikh weyn ahaa?
Siyaasiga Cirro oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxaa uu sheegay in Dr, Abdiweli Shiikh oo uu dhalay Shiikh Ahmed Maxamed Baardheere la oran karo xitaa isagaa culumo ah oo diinta ku xeeldheer.
” Aniga waxaan ku kulanay ramadaantii dhaweys xajka. Waxaana uu degan yahay Jidda. Waa nin laftisa la dhihi karo waa culumo oo cibaadada ku fiican, qeybse kama aheyn ururada diimaha ee dalka ka hanaqaaday balse waa nin reero cibaado ah” ayuu yiri Cirro.
Muxuu dadka kale uga duwan yahay Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed??
Waxaa uu sheegay siyaasiga Cirro oo aqoon durugsan u leh Dr, Abdiweli Shiikh islamarkaana hal magaalo ay ka wada yimaadeen ayaa sheegay inuu ummada kale uga duwan yahay maskax badni iyo inuu ka fakaro wax badan oo aan dadka kale umuuqan.
” Waxaan ku xaman jirnay inuu Abdiweli Shiikh yahay nin maskax badan oo runtii wax badan oo aan anaga inoo muuqan ayuu ka damqan jiray oo uu isku howli jiray inuu wax ka qabto, taasina waxaa keeneysa maskax badnida uu lahaa” ayuu yiri Aadan Ibrahim Aw-Xirsi “Cirro” .
Xaas iyo carur ma leeyahay Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed?
Wariye Abdirisaq Catoosh ayaa ugu danbeyntii weydiiyey Cirro inuu bal sharaxo carurta Dr, Abdiweli iyo inta xaas ee uu leeyahay, hal ama labo? Waxaase uu ka jawaabay Cirro in carur badan uu leeyahay Ra’iisul wasaaraha balse ma cadeyn tirada carurtaasi yihiin iyo waliba inuu hal xaas leeyahay iyo inuu laba xaas leeyahay toona.
” Dr, Abdiweli Shiikh waxaan ogahay inuu leeyahay carur badan oo uu waliba si fiican u koriyey. Waxaan sidoo kale aqaan qoyska intiisa kale ee reer Shiikh Ahmed oo ah kuwa badan” ayuu yiri siyaasiga Cirro oo aan ka jawaabin inta xaas ee uu leeyahay Ra’iisul wasaaraha cusub Dr, Abdiweli Shiikh oo taariikhdiisa laga wareysanayey.
Halkan hooe ka dhageyso wareysiga siyaasiga weyn Aadan Ibrahim Aw-Xirsi “Cirro”
Wareysigan waxa uu ka baxay BBCSOMALI. Waxaana qaaday Wariye Abdirisaq Catoosh.Halka warbaahinta Kismaayo24.net qoraal ahaan u rogtay, taasi oo wadashaqeyn la leh caasimada.net.


