Afgooye (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka hadlay dagaallo maalintii labaad ka socda deeganno hoos taga gobalkaas, kuwaasoo u dhexeeya maleeshiyo beeleed.
Guddoomiye Siidii oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dagaalka maanta ka dhacay deegannada Awdheegle, Janaale iyo tuulooyin kale ay ku dhinteen ugu yaraan toddobo qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaalka ayuu sheegay in uu dhexeeyo beelo horrey ugu dagaalamay gobalka, wuxuuna sheegay in dagaalka ay ka qayb qaateen ciidamada dowladda oo la kala saftay labada dhinac.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in goobaha lagu dagaalamayo ay yihiin dhul beereed la isku heesto sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu ugu dambeyn sheegay in uu madaxda ku wargaliyay dagaalka maalintii labaad ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa wuxuu u dhexeeyaa beelaha Habar-gidir iyo Biimaal dhowr jeer ayeena ku dagaalameen halkaas.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

