Faroole oo oggolaaday qodobo kamid ah kuwii ay isku qabteen musharixiinta

Garoowe (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe uu sheegay in uu aqbalay qaar ka mid ah qoddobada ay u soo jeediyeen mushariinta doorashada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu oggolaaday qoddobka ah in doorashada Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha January ay ka soo qaybgalaan goobjoogayaal caalami ah oo ka socda gudaha iyo dibedda, Balse madaxweynuhu wuxuu ku celcilyay in uu isaga kaliya xaq u lee yahay soo magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka doorashadda.

Faroole ayaa tilmaamay in aaney ahayn wax uu isaga hadda billaabayo ee horrey ay u jirtay arrintan oo isaga markii uu u tartamaayay xilka madaxweynaha lagu sameeyay.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay markii kulankii ugu horreeyay oo uu la qaatay musharixiinta uu ku dhammaaday fashil iyo natiijo la’aan.

Si kastaba, dad badan oo odorosa arrimaha Puntland waxa ay lee yihiin madaxweynaha waxaa ku kalifaya arrintan isagoo ka cabsi qaba qaar ka mid ah musharixiinta in ay uga guleestaan doorashada soo socota.

La arki doonee halka ay saldhigato dabeesha siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com