Dhageyso: Madaxweynaha oo si carro leh uga hadlay dagaallada Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia ayaa si kulul uga hadlay dagaalada ka socda deeganno hoos-taga gobalka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa marka hotte ka tacsiyeeyay dagaalada ka dhacay gobalka, wuxuu shegeay in ay nasiib daro ay tahay dagaalada ka soo cusboonaaday Shabeellaha Hoose.

“Waxaan marka hore tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada. Waxaa nasiib daro ah in deegaanada qaarkood ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaalada iyo collaaadaha, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay.

Xasan Sheekh oo u hanjabay kooxoaha uu ugu yeeray qaswadayaasha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan kooxo ka faa’iideysanaya collaadaha oo sii horinayo, ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta ee dowlad dhisidda, laakin wuxuu yiri kooxahaas bir adag ayaan kula dhaqmi doonaan

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladdu uga xuntahay dagaallo soo noq-noqda oo dhiig ku daata, waxuuna yiri “Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin.”

“Dowladda waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaalada iyo collaadaha, isla markaana cid allaale iyo cidii is hortaagta nabadeyntana laga qaadi doono tallaabo cad cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u diray baaq Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta, fududeynta wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta ka socota deegaanada dagaaladu ka dhaceen. Sidoo kale shacabka waxaan ka codsaneynaa inay dowladda la shaqeeyaan oo qaswadyaasha aan meel uga soo wadajeesano, bacdamaa ay diidan yihiin in dalka uu ka hirgalo dowladnimo, kala danbeyn iyo sharci.

Halkan ka dhageyso hadalka Madaxweynaha

17486

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com