Wajiga labaad ee shirka Baydhabo oo maanta furmay & wararkii u dambeeyey

Baydhabo  (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa maanta oo Talaado ah ka furmay wajiga labaad ee shirka maamul u sameenta obalada Koonfur Galbeed Somalia.

Wajigii koobaad ee shirka ayaa wuxuu socday muddo lix bilood ah, waxaana looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay qaabka uu noqon doono maamulka cusub.

Shirka oo ka furmay xarunta ADC-da ayaa waxaa ka qaybgalaya ergooyin ka kala socda gobalada maamulka loo sameenaayo kuwaa kala ah, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose, Jubadda Dhexe iyo Gedo.

Waxaa kaloo shirka ka qaybagalay siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobaladan, kuwaasoo u ololeenaya in ay la sameeyo maamulka cusub.

Shirka waxaa Axadii ergo 40 xubnood gaareysa oo ka socota gobolka Gedo, waxaana hoggaaminaya Siyaasiga Maxamud Sayid Aaden oo horrey xildhibaan baarlamaan u soo noqday.

Ammaanka goobta shirka ayaa aad loo adkeeyay waxaana sugaya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com