Maxaa ka socda deegaanda ay Habar-Gidir iyo Biy-Maal ku dagaalamayaan?

Afgooye (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya deeganno badan oo hoos-taga Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo barakicii ugu xooganaa oo ay sameenayaan dadka rayidka ah ee ku nool halkaas.

Goobjooge ku sugan deegabka Lambar 50 ayaa Caasimada Online u sheegay dad u badan carruur iyo haween in ay ka qaxeen deeganka tan iyo shaley isagoona intaas ku daray in dadkaas ay soo aadeen magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa goobaha lagu dagaalamayo ka billaabtay dhac iyo guryaha oo la gubayo, waxaana sidaas yeelaya dhinacyada ku dagaalamaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Guryo badan ayaa lagu gubay intii dagaalada ay socdeen sidaas waxaa sheegay wariye Shabeellaha Hoose ku sugan.

Dhinacyada dagaalamay ayaa saaka mar kale dib u billaabay dagaalka, oo iminka si xoog leh u socda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com