FARMAAJO oo ka hadlay dagaalka ka socda Gobalka Shabeellaha Hoose

Buffalo (Caasimada Online) Raysal Wasaarihii horre ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dagaalada ka socda gobalka Shabeellaaha Hoose, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo.

Farmaajo ayaa sheegay dagaal in aan faa’ido lahayn waxaana uu ugu baaqay labada dhinac ee ku dagaalamaya Shabeellaha Hoose in ay nabadda qaataan.

“Deegaannada qaar ee Wadanka waxa ka socda colaado aan hada haboonayn illaaahay ha qaboojiyo haa waafajiyo xaqa dagaal waxba laga dheefimaayo ” ayuu yiri Farmaajo oo warkan ku soo qoray bartiisa Facebook.

Hadalka Farmaajo ayaa ka mid ah baaqyo loo dirayo kooxaha ku dagaalamaya gobalka Shabeellaha Hoose halkaasoo ay isku heestaan maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Biiyamaal iyo Habar-gidir.

Dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ee u dhaxeeya beelaha Biyo-Maal iyo Habar-Gidir, ayaa la sheegay in uu geestay khasaaro xooggan waxaana ku barakacay dadkii ku noolaa goobaha lagu dagaalamay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minnesota

Caasimada@live.co