Heshiis dhexmaray Turkiga & Midowga Yurub oo saamayn doona Soomaalida

Dowlada Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday heshiis dhigaayo in Turkiga dadkiisa ay fiiso la’aan kusoo booqan karaan 28 -ka wadan  ee uu ka koobanyahay Midowga Yurub. Heshiiskan ayaa maanta oo isniin ah lagu kala saxiixday magaalo madaxda Turkiga ee Ankara.

Xafladii lagu kala saxiixanayey heshiiskan ayaa waxaa dhinaca Turkiga u saxiixay wasiirka arrimaha dibada Turkiga Mudane: Axmet Davutoglu  waxaa dhinaca kale u saxiixay Midowga Yurub haweeneyda la yiraa Cecilia Malmstrom

Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa ku tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid taariikhi ah oo wax ka qaban doono is fahamka iyo wax wada qabsiga Turkiga iyo Midowga Yurub.

Turkiga iyo wadamada iskula jira Midowga Yurub oo ay hormuud u yihiin Jarmalka iyo Faransiiska ayaa xanibay in Turkiga ka mid noqdo wadamda Midowga Yurub madaama Turkiga uu bilaabay sannadkii  2005 wadahadalo uu Turkiga ku rabay in kaga mid noqdo Midowga Yurub.

Turkiga waa wadanka kaliya ee ka tirsan gaashaanbuurto Naato ee Muslim ah laakiin aan ka tirsanayn suuqa dhaqaalaha Yurub. Waxaa jira kala shakis labada dhinac ah oo dabada ku haya cadaawe soo jireen ah oo ka dhaxeeyo wadamada Midowga Yurub iyo wadanka Turkiga oo mar ciidamadiisa ay yimaadeen lagana celiyey ka dib markii la jabiyey magaalada Fiyeena[Vienna] ee wadanka Austria.

Heshiiskaan wuxuu dhigayaa in xanibaada fiisaha ee saaran muwaadhiniinta Turkiga laga qaado halka Turkiga uu oggolaaday in uu dib u celiyey dhamaan soo galootiga sharci darada uga soo gala wadanka Turkiga dhinaca wadamada Midowga Yurub oo dhan.

Oggolaanshahaan ayaa wuxuu u  gogol xaarayaa in dad badan oo tahriibayaal ah oo ku sugan Turkiga iyo wadamada ku xeeran haddii ay soo maraan wadanka Turkiga oo ay soo galaan wadamada Midowga Yurub in dib loogu celin karo wadanka Turkiga.

Tanni, waxa ay saameyn weyn ku yeelan doontaa Soomali badan oo sii mara Turkiga kadibna Greece, ka hor inta aanay iska dhiibin dalal badan oo ka mid ah Yurub-ta galbeed.

Turkiga ayaa rajo ka qabo in maalin uu loo oggolaado in ka mid noqdo wadamada Midowga Yurub, laakiin aan ku taagnayn wadadii loomari lahaa Yurubna ay cabsi ka qabto Turkiga oo wadan Muslin ah.

Joornaalka Soomaalida ee Nederland

www.somculned.com