Prof. Ibbi oo ka hadlay dagaalka dhex maray beeshiisa iyo Habar-Gidir

London (Caasimada Online) Siyaasiga Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo xilal ka soo qabtay dowladihii KMG ah ee dalka soo maray, ayaa caawa ka hadlay dagaalada maalintii afaraad ka socda deeganno hoos-taga gobalka Shabeellaha Hoose.

Isagoo la hadlaayay Idaacad ku taalla Muqdisho ayuu sheegay in dagaaladaas uu ka xun yahay balse wuxuu tilmaamay in dowladda looga baahan yahay in si degedeg ah u dhex gasho maleeshiyo beeleedka ku dagaalamaya gobalka Shabeellaaha Hoose.

Prof Ibbi ayaa ku celceliyay dagaaladan in aysan ahayn kuwa hadda uun billowday waa kusoo jiray ayuu yiri tan 1990-kii waxaana uu u dhexeeyaa buu yiri beelo isku heesta dhul beereedyo ku yaalla gobalka.

Ugu dambeyn Prof Ibbi oo ka soo jeeda garab ka mid maleeshiyaadka ku dagaalamaya gobalka Shabeellaha Hoose oo ah beesha Direed, ayaa ku celceliyay haddii aan lo helin xal degdeg ah dagaaladan in ay ka sii dari doonaan khasaaro naf iyo maal ay geesan doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdishi

Caasimada@live.com