DF SOMALIA oo ciidamo u diri doonta goballada dagaalada ay ka socdaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Jimco ah sheegtay ciidamo xooggan in loo diraayo gobalada dagaalada ay ka socda ee dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, Cabdikariin Xuusen Guuleed ayaa warbaahinta u sheegay in la diyaariyay ciidamo kala dhexgala dagaal beeleedyada ka socda gobalada dalka sida Shabeellaha Hoose, Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wasiir Cabdikariin ayaa tilmaamay in ciidamadan ay ku wehlin doonaan goobaha ay tagayaan wax garad iyo odayaa kasoo kala jeeda beelaha dagaalamaya.

“Dowladda waxay wadaa qoshe ku saabsan siddii ciidamo loogu diri lahaa gobalada dagaallada ay ka socdaan dalka waxaana ku wehlin doonaa odayaal dhaqameed, si colaadaha mardambe u soo laaban” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale kale baaq u diray beelaha ku dagaalamaya gobalada seddaxda ah, wuxuuna sheegay nasiib daro in ay tahay dagaal 22-sanno lagu soo jiray in dib loogu laabto.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool goobaha lagu dagaalamayo in ay ka fogaadaan wax kasta oo hurin kara colaada.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday ayadoo dowladda lagu eedeeyay in aysan waxbo ka qaban dagaal beedleed ka socda gobalada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com