Shirka dhismaha Koonfur Galbeed ee Baydhaba oo khilaaf uu hareeyay

Baydhabo (Caasimada Online) Waxaa soo baxay warar sheegaya in khulilaaf uu hareeyay shirka maamul u sameenta gobalada Koonfur Galbeed ee ka socda magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii shaley shir jaraa’id ku qabtay xildhibaanno taageersan maamulka lixda gobal, waxaana ka mid ah Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade, wuxuu sheegay in magaalada Baydhabo uu ka furmay wajiga labaad ee maamul u sameenta gobalada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay oo kale in maamulkan ay taageersan yihiin dowladda Soomaaliya, wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay in ay taageeraan shirkaas.

Xildhibaanka ayaa ku celceliyay gogasha shirkain ay ku biireen ergooyin ka socda gobalka Gedo, isla markaana cid kasta uu u furan yahay shirkaas sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, waxaa hadalkaas ka soo horjeestay xildhibaaan Yacquub CalI Maxamed, ayaa sheegay in wax shir ah uusan ka socon magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan dowlad gobaleed ay ku mideesan yihiin gobalada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Wuxuu sheegay in xildhibaano gaar ah ay u ololeenayaan in ay dagaal u horseedaan gobalada nabdoon, wax maamul lix gobal la dhahana ma jirto ayuu yiri.

Si kastaba, shirka ka socda magaalada Baydhabo ayaa labo dhinac u kala jabay, waxaana labadaas dhinac hor boodanaya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Sheekh Aadan Madoobe oo horrey u soo qabtay xilka afhayeenka baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com