26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Wariye Aadan Kismaayo oo la daayey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in la sii daayay wariye Aadan Maxamed Salaan “Aadan Kismaayo” oo dhawaan halkaas lagu xiray.

Wariyaal ku sugan Kismaayo ayaa Caasimada Online u sheegay in wariyaha la sii daayay maanta barqadii kaddib markii labo cisho uu ku xirnaa xabsiga dhexe.

Ilaa hadda ma cadda wax yaabaha loo xiray Aadan Kismaayo oo ka tirsan Telafishan iyo Raadiyaha dowladda.

Wariyaha ayaa la xiray Axaddii la soo dhaafay, lamana garanayo sababta rasmiga ah ee ka dambeysay xariggiisa.

Ururada u doodda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay xarigga wariyaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News