Aabaha dhalay Ilhaan Cumar oo u geeriyooday Covid-19

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka dalka Maraykanka ayaa shaacisay inuu Aabaheed u geeriyooday cudurka safmarka ee Coronavirus, kaas oo fara ba’an ku haya wadamo oo uu ka mid yahay Mareykanka.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Ilhaan oo ka mid ah siyaasiyiinta safka hore uga jira la dagaalanka Covid-19 ayaa waxa ay ku sheegtay in Aabaheed Nuur Cumar Maxamed uu u dhintay xanuunka, iyadoo intaasi ku dartay inay dareemeyso tiiraanyo xoogan.

“Anigoo dareemaya tiiraanyo xanuun iyo murugo badan, waxaan idilna wadaagayaa in Aabahey Nuur Cumar Maxamed uu u dhintay Covid-19,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in aysan hal eray ku qeexi karin waxa uu uga dhignaa Allaha u naxariistee Aabaheed oo ay sheegtay inuu door weyn ku lahaa horumarka ay gaartay.

“Ma jiro erayo aan ku qeexi karo waxa uu aniga iiga dhignaa iyo dhamaan dadka garanaya isaga.” ayey markale qoraalkeeda ku tiri xildhibaan Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar Aabeheed ayaa ahaa oday si weyn loo yaqaan, lagana qadarin jiray Minneapolis, wuxuuna ka mid ahaa jameecada masjidka Rawdah, halkaas oo uu ku tukan jiray.

Sanadkii 1995-tii ayey qaxooti ahaan ku tageen Mareykanka iyada iyo Aabaheyd, kadib markii ay Soomaaliya uga tageen dagaalladii sokeeye.