Somaliland oo ciidan badan maanta dhigtay Lascaanood

Laascaanood (Caasimada Onine) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in Somaliland maanta ciidamo dheeraad ah ay dhigtay jidadka magaalada magaalada Laascaanood, kuwaas oo bilaabay dhaq dhaqaaqyo cusub.

Ciidamada oo isugu jiray boolis iyo milatari ayaa waxaa lagu arkayaa xaafadaha magaaladaasi, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaas loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-bax laga cabsi qabo inuu ka dhacayo Laascaanood, kaas oo looga soo horjeedo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee dib uga bilowday dalka jamhuuriyada Jabuuti.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadu ay xir-xireen qaar ka mid ah dadkii abaabulayey dibadbaxaaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay isku dhacaan shacabka iyo ciidamada maamulka gobolka Sool ee Somaliland uu dhigay halkaasi.

Inta badan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa ka soo horjeeda shirka Jabuuti, kuwaas oo maalmihii dambe cabasho marinayey dhanka warbaahinta, taas oo sii xoojisay cabsida ka jira deegaanadaasi