DF Soomaaliya oo heshiis ka dhan ah diinta Islaamka dhex dhigtay beelo dagaalamay

Waxaan saakay ka aqriyay barta facebook uu ku leeyahay TV qaranka Soomaliyeed oo leh calaamadda buluuga ah ee muujinaysa in uu yahay kan saxda ah warbixin lagu faafiyay shalay.

Warbixintaas ayaa looga hadlayay in Maxkamdda Ciidama qalbka sida saraakiil ka tirsan ay goob-joog ka noqdeen heshiis ay kala saxiixdeen beelo uu dagaal ku dhexmaray deegaanno ka tirsan Hiiraan.

Run ahaanti waa soo dhawaynaynaa waana bogaadinaynaa tilaabadaas laakiin arinta mudan in lays dultaago waxa ay tahay qodobo ka mid ah heshiiskaas waxa uu ka soo horjeeda shareecad islaamka, dastuurka KMG iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ee 1962.

Qodobkaas oo ah midka 2-aad ee heshiiska waxa uu u qoranyahay sidaan soo socota:
“Haddii uu fakado danbiiluhu waxaa la xirayaa aabihiis, hooyadiis, adeeryaalkiis iyo walaalihiis, waxaana la moora duugi doonaa xoolahdooda iyo xoolahiisa”.

Dhab ahanatii qodobkaan waxa uu ka soo horejeeda shareecada islaamka:
Allaah quraanka waxa uu ku yiri aayada 38-aad ee suurada Al-najmi
‎”ولا تزر وازرة وزر أخري”
Oo macnaheedu yahay “Danbi qof galay looma ciqaabi karo qof kale”.

Dhanka kale Dastuurka KMG ayaa ku caddeeyay qodobka 35-aad faqradiisa 12-aad in mas’uuliyadda ciqaabta at tahay mid shakhsi ah, waxa uuna u qoran yahay sidan
“Masuuliyadda ciqaabtu waa shakhsi, qofna looma ciqaabi karo, fal-dambiyeed uu galay qof kale”.

Dhanka kale sidee qof loogu ciqaabyaa fal aanu isagu sameeyn innaga oo og marka qof la ciqaabayo in ay qasab tahay in la sugo in faldanbiyeed dhacay, eedaysanuhuna yahay cidda gashay falka, si waafaqsan qodobka 163 Xeerka habka ciqaabta. Kadibna Maxkamadi ka gaartay go’aan kama danbays ah si waafaqsan sharciga.

Hadaba labada dhinac ee heshiiska noocaas ah wada gaaray, qolooyinka goob-joogga ka ahaa oo ay ka mid yihiin saraakiil matalayay Maxkamadda ciidamada qalabka sida” oo ah cidda la rabo in ay dhaqan galiso sharciga iyo warbaahinta qaranka ee baahisay xogta sidaas ah waxaan u soo jeedinayaa in ay qaldkaas iska saxaan sida ugu dhaqsiyaha badan.