Talooyin ku socda madaxda DF Somalia oo ku aaddan wada-hadallada Somaliland

Inta aanan u gelin talooyinka aan siinayo Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadalada ay kula jiraan maamulka Somaliland ee midnimo-diidka, aan marka hore ka waramo ereyo waayadan ku soo kordhay saxaafadda Soomaalida, kuwaasi oo khatar ku ah midnimada umadda Soomaalida iyo waliba wadajirka dalkeeda.

Ereyadan, ayaa la isticmaalaa marka laga hadlayo Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland, iyadoo la leeyahay “Soomaaliya iyo Soomaaliland” sida labo dal oo kale. Halkii ay ahayd in la yiraahdo “Dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaaliland” maadaama laga hadlayo hal dal. Isticmaalka ereyadan, ayaa muuujinayo damiirxumo iyo waliba aqoondarro ku aaddan xagga nidaamka dowliga ah.

Tusaale ahaan, Soomaaliland ma ahan dal madaxbanaan oo la aqoonsan yahay. Sidoo kalena, Dowladda Federaalku ma ahan dowlad goboleed ama dowlad loo dhisay gobolada Koonfureed oo kaliya. Sidaa daraadeed, ma jirto sabab loo isticmaalo ereyadaasi wax u dhimayo midnimada iyo wadajirka dalka, iyadoo la helo karo ereyo ka fiican kuwaasi.

Daahiradan khabiithka ah ayaa ku dhex faaftay qeybo ka mid bulshada Soomaaliyeed oo xittaa ay ku jiraan warbaahin muxtarim ah sida idaacadaha BBC iyo VOA-da oo kale. Waxay sidoo kale ku dhex faaftay qaar ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federaalka oo og ay inay danbi tahay istcmaalka ereyo wax u dhimayo midnimada umadda iyo waliba wadajirka dalka !!

Marka aad u kacdo xagga diinteenna Islaamka, waxaad arkeysaa inay si adag uga hadashay kala-dhantaalidda midnimada. Waxay sidoo kale diintu baneysay in la la dagaalamo kuwa u sacyinayo furqada iyo kala tagga. Sidaa daraadeed, waxaa haboon inaan la isticmaalin ereyadaasi aan loo baahneyn waa haddii uu damiirku wali nool yahay. Haddii kalena ha la iska daba socda kooxda RUKUUBLEY.

Waxay ahayd in maanta oo kale laga fikiro sidii loo mideyn lahaa dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti maadaama labadooduba ay yihiin xor, si uu halkaasi uga soo baxo dal xoog badan, laakiin nasiibdarro waxaad arkeysaa Soomaali maanta ku baaqeysa waxyaabo ka hor’imaanayo maqaasidda shareecada ee aan gorgortan laga gali doonin. Lama aqbali karo runtii in waxaasi oo kale lagu baaqo after dhiig badan oo u daatay midnimo iyo dal madaxbanaan dartii.

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan uga waramayo talooyin aan siinayo Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadalada ay kula jiraan maamulka Soomaaliland ee ku haminayo kala dhantaalidda midnimada iyo wadajirka. Talooyinkaasi oo si cad u taaban doona qaabka ay tahay in loo wajayo wadahadaladan ay khiyaanada badan ku dheehan tahay.

Maadaama Dowladda Federaalku dooneyso inay ka miradhaliso wadaxaajoodkan ay mandate-ka u haysato si loo soo xerageliyo maamulka Soomaaliland, isla markaana uu uga qeyb noqdo hanaanka federaalismka ee dalka ka jira iyo waliba dhismaha Soomaaliya cusub oo ka duwan tii hore, si loo helo qaran Soomaaliyeed oo la wada leeyahay, Isla markaana ku dhisan talo wadaag.

Xaqiijinta hadafkaasi shariifka ayaan fududeyn maadaama uu madax adeegayo maamulka Soomaaliland ee ka arimiyo gobollo ku yaallo Waqooyiga dalkeenna walow ay jiraan malaayiin reer Waqooyi ah oo ka soo horjeeda fikirkaasi khabiithka ah ee ka hor’imaanayo maqaasidda shareecada islaamka iyo waliba himilada umaddan muslimka ah. Halka ay dhinaca kalena jiraan faragelin shisheeye oo arinkaasi riixeysa.

Dhinaca kale, maamulka Somaliland ayaa wadahadaladan u isticmaalayo wadiiqo uu doonayo inuu uga go’o Soomaaliya inteeda kale waaba haddii laga aqbalee, ka dib markii uu ku soo fashilmay hababkii kale ee gaar u socodka ahaa sida ay caddeeyeen masuuliyin badan oo ka tirsan maamulkaasi, kuwaasi oo inta badan aanba qarin waxa ay doonayaan, halka ay u socdaan iyo waliba culeysyada ka haysta gudaha iyo dibadda.

Waxaa intaa dheer khiyaanooyin iyo waliba farsamooyin badan oo lagu dhex jilayo gudaha wadahadalada, Kuwaasi oo haddii ay u socdaan sida ay iyagu u doonayaan keeni kara burbur midnimo iyo waliba inuu dalkan oo dhan baaba’o. Tusaale ahaan, waxa ay doonayaan in loo wadahadlo sida labada dal oo kale, Taasi oo runtii khatar ku ah midnimada dalka, isla markaana fariin khaldan u direysa Caalamka iyo Soomaaliduba.

Laakiin ilaah mahaddii, waxaa khiyaanooyinkaasi fahamsan Madaxda Dowladda Federaalka oo inta badan ka fogaada gelitaanka heshiisyo horseeda inuu dalkan kala go’o ama uu dhaawacmo madaxbanaanidiisa. Waana sababtaasi sababta keentay inay dheeraadaan wadahadalada. Waxa ay sidoo kale Madaxdu fahamsan yihiin farsamooyin badan oo lagu soo kala jaray dalal badan sida Suudaan oo kale.

Waxay kaloo Madaxdu og tahay waxa uu dastuurku ka qabo midnimada iyo madaxbanaanida dalka iyo waliba halka ay midnimadu ka joogto dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibadba marka laga reebo kooxdan yar ee dhisatay Maamulka Soomaaliland ee dooneysa inay afduubto malaayiin reer Waqooyi ah, Kuwaasi oo ay ka go’an tahay wadajirka dalka iyo walaalnimada iyo waliba dhismaha Soomaaliya cusub.

Mar haddii uu meel sare ku dhegan yahay maamulka Soomaaliland, isla markaana ay adag tahay in uu ka tanaasulo qadiyadda gooni-isutaagga ee uu in muddo ah u sacyinayey, Anagoo dhinaca kale og inay dabada ka riixayaan dalal shisheeye sida Imaaraadka oo kale, kuwaasi oo maamulkaasi ku caawinayo waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin farsamooyin horay loogu soo kala jaray dalal badan sida Suudaan oo kale.

Mar haddii aan og nahay in wadahadaladu ay yihiin wadiiqo loo marayo kala goynta dalka oo aan dano kalo laga lahayn sida midnimo iyo wax qeybsi iyo waliba dhismaha Soomaaliya cusub sida ay caddeeyeen kuwa taageera maamulkaasi. Hadabo, waxaan u soo jeedinayaa Madaxda Dowladda Federaalka talooyinkan soo socda oo aan isleeyahay waxa waxtar u yihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaar inta midnimada jecel:

1- In la joojiyo dhamaan wadahadalada inta uu maamulkaasi ka tanaasulayo qadiyadda gooni-isutaagga.

2- Inaan la aqbalin fulinta dalabaadyo danbe oo maamulkaasi ka yimaada.

3- In la dhiso maamul goboleedka Khaatumo iyo Maakhir oo midnimada u muhiimsan

4- In la badiyo cadaadiska saaran maamulkaasi ilaa uu ka tanaasulayo qadiyadda gooni-isutaagga.

5- In la beegsado dalalka, shirkadaha iyo waliba shaqsiyaadka la shaqeysta maamulkaasi.

Maxamed Ibrahim waxaad kala xiriiri kartaa iidka1@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid