“Hadalkii guddiomiye JAWAARI waa mid ka dhan ah booqashadii SHARMAARKE ee Kismaayo”.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Aabi oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia balse kasoo jeeda Deegaanada Jubbaland ayaa si carro leh uga hadlay hadal kasoo yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ahaa inaysan aqoonsan doonin Dowlad Goboleed aan aheyn Puntland.

Aabi waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu arrinkaasi u arko mid uu ku degdegay Jawaari loona baahan yahay inuu ka xaalmariyo Maamulada kale ee dalka.

Aabi waxuu sheegay in Gudoomiye Jawaari uu meel fagaara ah ka yiri hadal uu ku duraayay dowladnimada Jubbaland, asaga oo hadalkiisaas ku soo beegay booqashada Ra’isul wasaaraha ee Kismaayo.

Aabi ayaa cadeeyay in hadalka kasoo yeeray Jawaari uu ahaa mid loola dan leeyahay kaliya Maamulka Jubbaland, balse ay iyaguna qaadanayaan mid lamid ah mowqifkaasi.

”Adeer sharaf darro ayaan u arkaa hadalka Jawaari waayo waxaa ii muuqda in ujeedkuba ahaa Jubbaland oo xiligaasi uu marti u ahaa Ra’isul wasaare Cumar, Jubbaland aqoonso ama ha aqoonsan waxba iskama bedeli doonto”

Dhanka kale, haddalka Jawaari ayuu ku micneeyay mid dhalinkara xurguf Siyaasadeed hor leh oo sii kala geeya DF iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com